Muqdisho / Abuja | Maarso 2026 (Dawan)- Dukumiintiyo ay heshay Dawan Media ayaa muujinaya caddeynta waraaqo wasaaradeed oo la been-abuuray, is-weydaarsi hanti oo qarsoodi ah, iyo oggolaansho dib loo taariikheeyay oo suurageliyay in dhulkii safaaradda Soomaaliya ee Abuja lagu wareejiyay muwaadin kasoo jeeda Nigeria, iyada oo Muqdisho ay sheegtay inaysan waxba ka ogeyn.
Bishii May 2021, warqad leh astaanta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isla markaana wadata saxiixa wasiirka, ayaa siisay Safaaradda Soomaaliya ee Abuja awood ballaaran oo ay ku beddeleyso dhul diblomaasiyadeed oo qiimo sare leh, guri deegaan ah oo si gaar loo leeyahay. Dowladda Nigeria ayaa aqbashay oggolaanshahaas, heshiis is-weydaarsi hanti ah ayaana la saxiixay, dhismana waa la bilaabay.
Hase yeeshee, waxaa jirta hal dhibaato oo ah in wasiirka magaciisa iyo saxiixiisa ku qoranyihiin warqadda uu sheegay inuusan isagu qorin.
Maxamed Cabdirisaaq , oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2021, ayaa dacwad rasmi ah u gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, isaga oo ku sheegay in saxiixiisa lagu been-abuuray qoraal rasmi ah oo diblomaasiyadeed . Wuxuu sheegay in ujeedka ugu wayn ee been-abuurkaas uu ahaa in lagu tagri falo hanti qaran iyada oo aan loo marin hannaan sharci ah.
“Saxiixa la ii nisbeeyay ma aha mid sax ah, dukumiintiguna kama soo bixin xafiiskeyga, luqadda lagu qorayna ma waafaqsana heerarka, habraacyada, ama dhaqanka diblomaasiyadeed ee Wasaaradda,” ayuu Cabdirisaaq ku qoray dacwadda uu u gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud, Mudane Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, taariikhdu markay ahayd 20-ka Nofeembar 2025. “Xitaa higgaadda magacayga waa khaldan tahay, taas oo isla markiiba muujinaysa in dukumiintigani yahay mid been-abuur ah.” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Fadeexadda Dhulka
Dhulka la sheegay waa Plot No. 1191 oo ku yaalla Cadastral Zone B19, Katampe Extension, Abuja, Nigeria, cabbirkiisuna yahay 3,202.67 mitir laba jibbaaran. Dhulkaas waxaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya siiyay maamulka caasimadda Nigeria, lambarkiisu waa 021672, waxa uuna ku taariikhsanyahay 17 Noofembar 2020, isla markaanka waxaa loogu tala galay “Guri Degenaansho Diblomaasiyadeed”, kaas oo heshiiska ijaarkiisu yahay muddo 99 sano ah.
Dhulkaas waxaa loogu talagalay inuu noqdo hoyga rasmiga ah ee Safiirka Soomaaliya, wuxuuna ahaa hanti qaran oo ay leedahay dowladda Soomaaliya. Laakiin, sida ka muuqata dukumentiyada ay heshay Dawan Media, waxaa dhulkan lagu bedeshay guri gaar ah oo ka kooban afar qol oo ku yaalla House No. 7, 641 Road, Gwarinpa II Estate, Abuja. Gurigaas waxaa iska leh muwaadin Nigerian ah oo lagu magacaabo Bameyi Ohiogwehei.

Dukumentiyo la been abuuray
Heshiiskaas wuxuu ku salaysnaa oggolaansho gaar ah. Asalka wuxuu ahaa qoraal rasmi ah oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taariikhdeedu markay ahayd 30 Maajo 2021-kii, oo lagu sheegay in uu saxiixay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq . Warqaddaas waxay ku wargelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nigeria in, amar ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loogu ogolaaday Safaaradda Soomaaliya ee Abuja inay xaq u leedahay in ay dhulka Plot 1191 ku beddesho “hanti la mid ah meel kasta oo loo soo jeediyo.”
Afar maalmood ka dib, 3 Juun 2021, Safiirkii Soomaaliya ee Nigeria waqtigaas, Mudane Jamaal Maxamed Barrow, ayaa Warqad rasmi u gudbiyay Waaxda Protocol-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nigeria, isaga oo si rasmi ah ugu lifaaqay habraacyada rasmiga ah ee Nigeria. Safiirku wuxuu sidoo kale saxiixay in Ohiogwehei uu xaq u leeyahay dhulka, isaga oo Janaayo 2022 u qoray Waaxda Xakamaynta Horumarinta (Department of Development Control) in loo oggolaado dhismaha dhulkaas.
Heshiiska is waydaarsiga oo uu diyaariyay xafiiska qareennada ee Chatham Partners ee Abuja, laguna saxiixay Douglas Najime Esq., ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay is waydaarsiga dhulka. Heshiiskaas waxaa laga diiwaangeliyey xafiiska notaayada Nigeria . Hay’adaha kale oo ay ku jiraan AMMC, FCDA, iyo AGIS – ayaa kadib ansixiyay beddelka dhulka, bixiyay rukhsadaha dhismaha, isla markaana oggolaaday in la dhiso dhulkaas.







