Muqdisho (Dawan)- Hodan Hospital ayaa sanadkii ugu horreeyay ee shaqadiisa ku guuleystay inuu abuuro 500 fursado shaqo, isaga oo isu muujiyay xarun caafimaad oo door muuqda ka qaadanaysa horumarinta adeegyada caafimaadka iyo kobcinta shaqo-abuurka dalka.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday isbitaalka, shaqaalaha ka hawlgala Hodan Hospital waxaa ka mid ah dhakhaatiir takhasus leh, dhakhaatiir guud, kalkaaliyeyaal, umulisooyin, iyo shaqaale kale oo ka faa’ideystay fursadaha shaqo ee isbitaalka, kuwaas oo si wadajir ah u xaqiijiyay in isbitaalku bixiyo adeegyo caafimaad oo tayo sare leh.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in isbitaalka ka hawlgalaan 70 dhakhaatiir, 30 ka mid ah waa takhasusleyaal, halka 38 ay yihiin dhakhaatiir guud. Sidoo kale, waxaa isbitaalka ka shaqeeya 109 kalkaaliyeyaal iyo umulisooyin, oo laf-dhabar u ah daryeelka bukaannada, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.
Dhanka farsamada caafimaadka, Hodan Hospital waxaa ka shaqeeya 47 xirfadlayaal caafimaad oo ay ku jiraan farmashiistayaal, shaqaalaha shaybaarka, raajada, qalabka biomedical-ka, nafaqeeyayaal iyo daaweeyayaal (therapists), kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata socodsiinta adeegyada isbitaalka.







