Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wareegay dal hal dastuur leh. Laba sano kaddib , dalku wuxuu leeyahay labo Dastuur.
𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 waxay haysataa kii sharciga ahaa ee heshiiska lagu wada ahaa (2012). Dawladda Federaalku waxay leedahay dastuur cusub oo Madaxweynuhu saxiixay, oo lagu muransanyahay (2024).
𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 iyadana keedii bay haysataa oo wada hadalladii god dheer bay kasii hoobanayaan.






