Hiiraan (Dawan)- Ugu yaraan 20 qof oo u badan dad rayid ah ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badana dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhaxay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Gaari walxaha qarxa laga sooo buuxiyay ayaa ku qarxay barta kontoroolka Horseed oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana burbur xooggan soo gaaray dhismayaal badan oo isagu jira goobo ganacsi iyo guryo deegaan ah.
Dhowr asgari, saraakiil ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa nabad sugidda gobolka ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa, sida ay xaqiijiyeen Maamulka iyo Booliiska magaalada.
Guddomiyaha magaalada Beledweyne, Cumar Cusmaan Calasoow ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay heleen xog hordhac ah oo ku aaddan weerarro dhici kara, balse qaraxu dhacay inta lagu guda jiray baaritaanada amni.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaan maanta ka dhacay Beledweyne.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Beledweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen.” ayaa yiri, Madaxweyne Xasan Sheekh.





