Jabuuti (Dawan)- Urur goboleedka IGAD oo qayb ka ah dardargelinta wada hadallada ka socdo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee xal loogu raadinayo dagaallada Suudaan ayaa sheegay in dhinacyada isku haya dalkaas ay ogolaadeen in fursad la siiyo howlaha gurmadka gargaarka bini aadanimo.
Sida ay sheegtay IGAD hoggaanka dowladda Suudaan iyo ciidamada kasoo horjeeda ayaa ogolaaday in la qaado tillaabooyin lagu xoojinayo kalsoonida labada dhinac oo ay ka mid ah tahay in ay ka qeyb galaan madal lagu dardargelinayo howlaha gargaaka bini aadantinimo iyo in la yareeyo waxa sii hurin kara colaadda.
Madashaan waxaa soo agaasimay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka arrimaha bini aadantinimada ee OCHA, waxaana la qorsheynaya in looga hadlo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ku hor gudban howlaha gargaarka iyo adeegyada kale ee bini aadantinimo.



