Taiwan (Dawan)- Dhul-gariir cabirkiisu yahay 7.2 ayaa ku dhuftay Taiwan maanta oo Arbaco ah, waana dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ku dhuftey jasiiraddaan ugu yaraan 25 sano, iyada oo ay ku dhinteen 7 qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Waaxda Dab-damiska ee Taiwan ayaa sheegtay in 4 qof ay ku dhinteen dhagxaan kusoo dul dhacday, ku dhawaad 700 oo qofna ay ku dhaawacmeen, halka ugu yaraan 26 dhismo la diiwaan geliyey inay dumeen, kuwaas oo intooda badan ku yaal deegaanka Hualien.
Warbixinada ayaa intaas ku daraya in ay jiraan dad ku hoos jira dhismooyin soo dumay.
Dowladaha Japan iyo Filipin ayaa soo saaray digniino muujinayo cabsi laga qabo mowjado yar yar oo sunaami ah in ay gaaraan qaybo ka mid ah dhulkooda.



