Itoobiya – 5 Janaayo 2026 (Dawan)- Dhulgariir cabirkiisu yahay 4.5-magnitude ayaa Axaddii ka dhacay waqooyiga gobolka Tigrey iyo qaybaha qaar ee gobolka Afar, sida lagu sheegay website-ka la socodka dhulgariirrada Volcano Discovery.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dhulgariirka laga dareemay magaalooyin badan oo ka tirsan Tigrey, oo ay ka mid yihiin Mekelle, Adigrat, Axum, Shire, Maychew, Wukro, Adi Gudom, Idaga Hamus, iyo Adwa, iyo sidoo kale deegaano ku dhow gobolka Afar.
Ilo wareedyo ah ayaa tilmaamay in Dhulgariirku ku kala xooganaa magaalooyiinka balse lama soo sheegin wax khasaare nafeed ama hanti ah oo ka dhashay.






