Muqdisho (Dawan)- Dib u dhac ayaa ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu ballansanaa inuu maanta ka bilaawdo magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Sababta dib u dhaca Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga doodi lahaa Dhameytirka Dastuurka iyo la dagaallanka Argagixisada ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimo farsamo awgood.
"Shirkan oo muhiim u ah dardargelinta horumarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro khawaarijta, dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban" ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Ra'iisul Wasaaraha.



