Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri; " Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood"
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Guddiyada ka wada hadlaya arrintan looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.
"Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay" ayaa markale lagu yiri, war-saxaafadeedka.
Guddiga farsamo ee arrintan loo xilsaaray waxaa hoggaaminaya Danjire Yusuf Garaad Cumar iyo George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, waxaana ku jira mas'uuliyiin kale oo kala socda labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u codsatay in aan dib loo cusubooneysiinin shaqada howlgalka xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) kaas oo ay muddaadiisu ku egtahay dhammaadka bisha October ee 2024.






