Nairobi (Dawan)- Dibadbaxyada looga soo horjeedo canshuur kordhinta ay sameysay Xukuumaadda Kenya oo billowday bartamihii bishii hore, ayna ku dhinteen tobaneeyo qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, ayaa maanta oo Talaado ah dib uga soo cusboonaaday caasimadda Kenya.
Ciidamada Boliiska ka hortaga rabshadaha ayaa tan iyo saakay lagu daad gureeynay waddooyinka waaweyn ee Nairobi ka dib markii ay dibadbaxayaashu ku baaqeen isku soo bax horleh.
Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa sheegtay in 39 qof la dilay iyada oo dhaawac uu soo gaaray 361 qof tan iyo markii ay billoowdeen banaanbaxyada looga soo horjeedo sharciga canshuur kordhinta.
Inkasta oo Madaxweyne William Ruto uu diiday inuu saxiixo sharciga cusub sidoo kalena la magacaabay guddi qaabilsan qiimeynta iyo wax ka qabashada cabashada muwaadiniinta, hadana dibadbaxayaasha ayaa sii wada mudaaharaadyada, iyada oo ay kusoo biireen magaalooyin kale.



