Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa digniin kasoo saartay khatarta ka dhalan karta fatahadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubbo ka hor roobabka iyo fatahaadaha El-Nino ee lafilayo in ay da’aan dhulka buuraleyda ah Itoobiya iyo Soomaaliya bartamaha bishaan octobar.
Sida Hay'addu sheegtay 196 meel ayay Wabiyadu ka sameyn karaan fatahaado, kuwaas oo isagu jira 170 meel oo Wabiga Shabeelle ah iyo 26 Wabiga Jubba ah.
Fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa saameyn ku yeelan doona magaalooyiinka waaweyn sida Beledweyn, Buulaburde, Jalalaqsi, Jowhar, Afgooye, Balcad iyo Kurtunwaarey.
Sidoo Kale, Wabiga Jubba ayaa laga casbi qabaa inuu fataahaado ku sameeyo magaalooyinka kala ah Baardheere, Jilib, Doolow, Saakow iyo Bu’aale.
Qeyladhaantaan ayaa ku soo aadeysa xilli Wabiga Shabeelle ee mara nawaaxiga magaalada Mahadaay uu kusoo fatahay shalay iyada oo aysan jirin wax roob ah ka da'ay deegaanda Soomaaalida.



