Jig-jiga (Dawan)- Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee ka agdhaw wabiyada, togogga iyo meelaha biyo mareenada ah ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha keeni kara biyo baxa maadama laga casbi qabo in roobab lixaad leh ay ka da'aan deegaanka.
Machadka saadaasha hawada dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay roobab laxaad leh ka da’ayaan Deegaanka Soomaalida kaas oo sababi karo fatahaado waxyeelayn kara dadka iyo duunyaduba.



