Muqdisho – Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Buluugga ah ee Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin culus oo ku wajahan maraakiibta iyo kaluumeysatada ka howlgala badda Soomaaliya, iyadoo ka digtay halista ka dhalata xaaladda cimilada ee xilliga badd xiranka .
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga, Yuusuf Maxamed Waliid, ayaa sheegay in laga bilaabo 25-ka May ilaa 15-ka December 2025, badda Soomaaliya laga filayo dabaylo xooggan iyo mowjado daran, kuwaasoo khatar weyn ku ah badmaaxiinta iyo maraakiibta.
Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay in maraakiibta waaweyn ee leh culeyska ka badan 150 tan laga mamnuucay inay soo galaan badda Soomaaliya xilligan, maadaama ay jiraan caqabado iyo halisyo la xiriira cimilada iyo dabeylaha xooggan ee ka jira badweynta Hindiya ilaa gacanka Cadmeed.





