Addis Ababa 23 December 2025 (Dawan)- Guddiga Qaranka Doorashooyinka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday xisbiyada siyaasadda, oo uu ku jiro xisbiga talada haya, si dib loogu eego diyaargarowga socda ee doorashooyinka guud ee la filayo in la qabto sannadka 2026.
Sida uu sheegay guddigu, kulanka waxaa lagu falanqeeyay qabyo jadwalka doorashada, waxaana sidoo kale laga dhageystay aragtiyo iyo talooyin ay soo jeediyeen xisbiyada. Qodobada si gaar ah la isla meel dhigay, waxaa ka mid ahaa go’aanka ah in musharraxiinta aan lagu waajibin saxiixyo taageero , iyo baahida loo qabo in la sii xoojiyo wada-hadalka siyaasadeed si loo ilaaliyo hufnaanta iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada.
Xisbiyada ka qayb galay kulanka ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka uu qaaday guddiga, iyaga oo sheegay inay gacan ka geysanayaan abuuridda jawi doorasho oo caddaalad iyo sinnayn ku dhisan.





