Wajeer (Dawan)- Wararka ka imaanaya Ismaamulka Wajeer ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin ciidanka militeriga Kenya oo siday gargaar in ay shil ku gashay deegaanka Buna ee Wajeer.
Diyaaradda ayaa cellad ku timid xilli ay doooneysay in ay duusho, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Warbaahinta ka howlgasha Wajeer ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaraddaan ay tahay diyaaraddii labaad ee maanta shil ku gasha Wajeer.
Dowladda Kenya ayaa ku dadaaleysa in dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah in ay gargaar ugu geyso diyaaradaha maadaama waddooyinki ay xirmeen.





