Jigjiga 16 December 2025 (Dawan)- Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Biyaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida, Cabdi Muxumed Cabdi, ayaa degmada Doollo-baay ee gobolka Afdheer si rasmi ah uga dhagax-dhigay mashruuc biyogelin ah oo laga hirgelinayo tuulada Xiintooy, kaas oo ku kacaya 240 milyan oo birr, una dhiganta ku dhowaad $1.5 milyan.
Xafladda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madax arrimaha xisbiga Barwaaqo ee gobolka Afdheer, Aadan Geedi, iyo Guddoomiyaha Degmada Doollo-baay, Aadan Muxumed.
Mashruuca biyogelin oo ay fulinayso hay’adda UNICEF, iyadoo kaashaneysa Bangiga Horumarinta Dowladda Jarmalka (KfW), ayaa ka kooban dhammaan qaybaha muhiimka ah ee nidaamka biyaha bulshada, waxaana la qorsheeyay in lagu dhameystiro muddada hal sano ah.



