Nugaal (Dawan)- Doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa lagu afduubtay degmada Eyl ee gobolka Nugaal, sida ay xaqiijiyiin mas'uuliyiinta maamulka Puntland.
Koox aan la garanin heybtooda ilaa iyo hadda ayaa afduubatay doonta oo ay saarnaayeen 16 qof oo kasoo jeeda Iiraan iyo waardiye Soomaali ah.
Bashiir Siciid Cismaan oo ka mid ah wakiilada doonta ayaa sheegay in kooxdii afduubka geysatay ay lasoo xariirtay kadibna ay ka dalbdeen lacag madax furasho ah oo gaareysa 400,000 oo dollar si ay u sii daayaan doonta iyo shaqaalaha.
Bashiir ayaa intaa ku daray in doontu ay tahay mid si sharci ah oo u diiwaan gashan maamulka Puntland, isla markaana ay heysato ruqsad ay kaga kalluumeysato xeebaha Puntland.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Kooxdu ugu hanjabeen in ay doonida u adeegsan doonaan afduubka maraakiib kale, haddii aan si degdeg ah loo siinin lacagta ay dalbadeen.





