Algeria (Dawan)- In ka badan 24 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimo ee dowladda ugu wayn Africa ee Algeria maanta oo Sabti ah.
Doorashadu waxay dhaxtaal seddex murashax basle waxaa la saadaalinaya in madaxweynaha hadda talada haya Cabdulmajiid Tebboune inuu ku guuleysan doono mar labaad oo xiriir ah.
Goobaha codbixinta ayaa saaka laga furay guud ahaan dalka, waxaana la soo xiri doonaa 19:00, iyada oo natiijada hordhaca ah la filayo inay soo baxdo isla fiidnimada Sabtida, waxaana si rasmi ah loo shaacin doonaa maalinta Axadda ah.
Madaxweynaha xilka haya Tebboune (78 jir) ayaa taageero ka helaya xisbiyada haysta aqlabiyadda baarlamaanka, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Jabhadda Xoreynta Qaranka oo hore u ahayd xisbiga kaliya ee dalka ka jiray iyo Xisbiga Islaamiga ah ee kaalinta labaad galay doorashadii 2019.
Waxa uu la tartamayaa laba murashax oo kala ah madaxa ururka Islamic Society for Peace Movement, Cabdicaali Xasaani Shariif (57 sano jir),oo ah Injineer hawlaha guud, iyo wariye hore oo ah madaxa Jabhadda Socialist Forces, Yuusuf Aouchish (41 jir ah)
Jabhaddan ayaa awood u ku leh bartamaha iyo bariga dalka Algeria.
Doorashooyinkan ayaa qorshuhu ahaa in la qabto marka uu Tebboune waqtigiisa dhamaado bisha December, laakiin bishii March waxa uu ku dhawaaqay qabanqaabada doorashooyin lasoo hormariyay oo la mudeeyay 7-da September



