Tehran (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Iran, Maxamuud Axmedinejad ayaa warqadihiisa musharaxnimo u gudbiyay guddiga doorasahda madaxtinimada ee dalka Iran.
Waxa xusid mudan in Axmedinejad uu hore u soo qabtay madaxtinimada dalkaas laba xilli oo xiriir ah, isaga oo doorashadii 2005-tii kaga guulaystay Hashemi Rafsanjani, ka dibna wuxuu markale 2009-kii ka guuleystay musharrixii isbedel doonka ahaa ee Mir-Hossein Mousavi.
Ilaa iyo hadda 17 musharrax ayaa soo gudbiyay codisgooda ku aaddan in ay u tartamayaan doorashada madaxtinimo ee la qabanayo dhamaadka bishan June.
Labo maalmood oo kaliya ayaa ka hartay muddada loo qabtay in musharrixiintu soo gudbiyaan codsiyadooda, waxaana la filaya in tiradu intaas kasii badato.



