Juba (Dawan)- Madaxweynaha Koonfurta Suudaan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in doorashadii la wada sugayay dib loo dhigay laba sano oo dheeraad ah, iyadoo mar kale la kordhiyay marxaladda kumeel gaarka ah ee ay horay ugu heshiiyeen dhinacyada dalkaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfurta Suudaan ayaa lagu sheegay in muddo laba sano ah lagu kordhiyay marxaladda kumeel gaarka iyada oo doorashadii lagu ballansanaa inay la qabto December 2024, loo bedelay 22ka December 2026.
Go'aanka dib u dhigga doorashada ayaa yimid, iyada oo laga jawaabayo talooyinka hay'adaha doorashada iyo laamaha amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka
Horraantii sanadkan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku booriyay dhinacyada Koonfurta Suudaan inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah si dalkaas looga hirgeliyo doorasho toos ah loogana baxo kumeel gaarnimada dowladda Koonfurta Suudaan





