Dakar (Dawan)- Muwaadiniinta dalka Senegal ayaa Subaxnimadii maanta oo Axad ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad ee dalku yeesho, iyada oo aan la sadaalin karin musharraxa ku guuleysanaya doorashada.
Wakaaladda wararka Senegal ayaa sheegtay in goobaha codbixinta si rasmi ah loo furay siddeedii subaxnimo ee wakhtiga dalkaas, si ay 7.3 milyan oo codbixiye ay u doortaan madaxweynaha xiga ee Senegal.
Dadka reer Senegal ayaa ka codayn doona ilaa 16,000 oo goobood oo isagu jira gudaha iyo dibadda dalka, iyada oo la la kala dooran doono 17 musharax ee isu soo taagay madaxtinimada dalkaas.
Musharraxiinta ugu cad-cad
Amadou Ba (62 jir), oo ah Ra'iisul Wasaaraha Madaxweynaha xilka ka degaya Macky Sall, iyo Bassiroe Diomaye Faye (43 jir), Musharraxa mucaaradka ayaa loo arkaa musharrixiinta ugu cad-cad ee ku guuleysan kara madaxtinimada dalka Senegal, inkasta oo aysan jirin ra'yi aruurin la sameeyay oo laga qiyaas qaadan karo.
Labadan musharrax ayaa ku doodaya in ay ku guuleysan karaan doorashada maanta dhacaysa, iyadoo aan loo baahan wareeg labaad, taasoo u muuqata mid dhici karta, balse aan wali aan la xaqiijin karin.
Musharrixiinta kale ee tartamaysa, waxaa ka mid ah Duqii hore ee Dakar Khalifa Sall ( wax xiriir ah kama dhaxeeyo madaxweynaha xilka ka degaya), haweeneyda ganacsatada ah ee isu rogtay siyaasiyad, Anta Babacar Ngom iyo siyaasiga rug caddaaga ah ee Idrissa Seck, oo kaalinta labaad ku dhameystay doorashadii madaxtinimo ee 2019.





