Muqdisho 21 December 2025 (Dawan)- Su’aasha ugu weyn ee ka dhalatay Shirweynaha mucaaradka ee Kismaayo ka dhacay ayaa ah; doorasho noocee ah ayay mucaaradku dhab ahaantii doonayaan, maxaase ay kaga duwan tahay tan ay dowladdu qorsheyneyso ee ah qof iyo cad?
War-murtiyeedka ka soo baxay shirkii ka socday Kismaayo seddexdi maalin ee lasii dhaafay ayaa muujinaya in mucaaradku si cad u diidan yihiin wax kasta oo u eg muddo-kordhin, iyagoo xusay in muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay 14-ka Abriil 2026, halka kan Madaxweynaha uu dhammaanayo 15-ka May 2026. Mucaaradku waxay ku adkeysanayaan in xadgudub kasta oo lagu sameeyo muddadaas uu horseedi karo firaaq dastuuri ah iyo qalalaase siyaasadeed.
Laakiin diidmada muddo-kordhinta kaliya kuma koobna baaqooda. Mucaaradku waxay dalbanayaan doorasho ay ku tilmaameen mid hufan, loo dhan yahay, isla markaana ka kalsooni badan tii 2022, taasoo si dadban u muujinaysa inaysan ku qanacsanayn hannaanadii hore ee lagu doortay hay’adaha dalka. Waxa ay soo jeediyeen in la dhiso guddi doorasho oo heshiis lagu yahay, taas oo si toos ah u su’aal gelinaysa sharciyadda iyo dhexdhexaadnimada guddiga hadda shaqaynaya ee doorashooyinka.




