Soomaaliya, 25 Nofeembar 2025 - Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa kordhiyay muddada loogu talagalay soo gudbinta liisaska murashaxiinta doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee ururada, taasoo sababtay dib-u-dhac cusub oo ku yimid waqtiga doorashooyinka.
Waqtiga cusub ee loo qabtay ururrada siyaasadda ayaa ka bilaabmaya 26-ka Nofeembar ilaa 10-ka Diseembar 2025.
Go’aankan, oo lagu soo saaray kulan guddigu yeeshay 24-ka Nofeembar, ayaa la sheegay inuu ka dhashay codsi ka yimid qaar ka mid ah ururrada siyaasadda oo dalbaday waqti dheeri ah.



