Muqdisho (Dawan)– Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijooyinka doorashooyinka golayaasha degmooyinka Muqdisho, kuwaas oo qabsoomay 25-kii Diseembar 2025, isla markaana noqday doorashadii tooska ahayd ee ugu horreysay ee heer degmo ah muddo ka badan 55 sano.
Doorashooyinkan oo ka dhacay 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, ayaa lagu tartamay 390 kursi, iyadoo ay ka qayb galeen 233,314 qof oo codbixiyeyaal ah. Sida ay muujinayaan xogta rasmiga ah, 210,586 cod ayaa si sax ah loo dhiibtay, halka 22,728 cod ay noqdeen kuwo aan ansax ahayn.
Qaybinta Kuraasta waxaa badankooda Uruursaday Shan Xisbi
Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in kuraasta intooda badan ay ku urureen shan xisbi siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo wadajir u helay 333 kursi, una dhiganta 85.4% dhammaan kuraasta golayaasha degmooyinka Muqdisho.
Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, oo ah xisbiga talada haya, ayaa hoggaamiyay natiijooyinka, kaddib markii uu helay 177 kursi, taas oo u dhiganta 45.4% guud ahaan kuraasta, isaga oo xoojiyay kaalintiisa hoggaamineed ee maamulka degmooyinka caasimadda.







