Cadan ( Dawan)- Golaha Ku-meelgaarka Koonfurta Yemen, ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqay waxa uu ugu yeeray “Baaqa Dastuuriga ah ee Dowladda Koonfurta Carbeed”, kaas oo si rasmi ah loogu iclaamiyay dhismaha dowlad cusub oo madax-bannaan, caasimaddeeduna tahay magaalada Cadan.
Tallaabadan ayaa durba dhalisay walaac siyaasadeed oo ballaaran, xilli Yemen ay weliwajahayoso colaado, kala-qaybsanaan siyaasadeed iyo faragelinno dibadeed.
Sida ku xusan bayaanka, Dowladda Koonfurta Carbeed ayaa lagu qeexay dal madax-bannaan oo leh madax-bannaani buuxda, iyadoo xuduudaheedu yihiin kuwii caalamiga ahaa ee Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Yemen ee hore.
Goluhu wuxuu sheegay in nidaamka siyaasadeed uu ku dhisnaan doono kala-saaridda awoodaha, dowlad rayid ah oo dimuqraadi ah, isla markaana lagu dhammeystiri doono afti guud marka ay dhamaato marxalad ku-meel-gaar ah.
Baaqa ayaa qeexaya marxalad ku-meel-gaar ah oo socon doonta laba sano, kuna talo-gashan in lagu diyaariyo dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka maamulka, iyo habraacyada siyaasadeed.






