DHAGAX MADOOW (Dawan ) – Mas’uuliyiinta iyo dadka deegaanka degmada Dhagax Madoow ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay soo heleen meydadka afar qof, kuwaas oo ay ku tilmaameen Uus Xabaalid (xabaale wadareed lagu duugay si qaersioodi ah kadib dilkooda).
Dad deegaanka ah ayaa sheegay in meydadkan la helay xilli ay qodayeen suuli. Warbaahinta Dolwad Deegaanka ayaa ku warrantay in mid ka mid ah meydadkaas ay qoysasku ku aqoonsadeen oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Sooyaal.
Xaashi Cabdullaahi Yaxye, oo ah madaxa nabadgelyada degmada, ayaa goobta tegay, isaga oo sheegay in dilalku dhaceen xilligii xukunkii hore ee madaxweynihii deegaanka Cabdi Maxamed Cumar, isla markaana ku dooday in dadka lagu dilay hub culus. Sheegashadiisana si madax-bannaan looma xaqiijin.
“Waxaa ku dhex jiray xitaa rasaastii lagu laayay. Dadkan qoriga caadiya xitaa laguma leyn, BKM ayaana lagu laayay,” ayuu yiri Xaashi Cabdullaahi.






