Jigjiga, 8-da Janaayo 2026 (Dawan)- Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc biyo-gelin ah oo ku kacay 208 milyan oo Birr, una dhiganta $1.3 milyan, kaas oo laga hirgeliyay degmada Yoxob ee gobolka Erer, si loo daboolo baahida biyo-nadiifinta ee kumannaan qof.
Mashruucan ayaa loogu talagalay in biyo nadiif ah lagu gaarsiiyo in ka badan 13,000 oo qof iyo xoolahooda, waxaana uu ka kooban yahay dhuumo biyo ah oo dhererkoodu dhan yahay 19 kiiloomitir. Waxa uu qeyb ka yahay Mashruuca Adkeysiga Hab-nololeedka Dhulka Hoose , oo ah barnaamij wejiya badan leh oo ay maalgelinayaan Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD), si loo xoojiyo adkeysiga bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee wajahaya saameynta isbeddelka cimilada.
Xafladda xarig-jarka oo dhacday Arbacadii ayaa waxaa furay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan Faarax, kaas oo sheegay in mashruucan uu xal waara u yahay dhibaatooyinka biyo-la’aanta ee muddo dheer ka taagnaa degmada Yoxob.
“Biyo-la’aan ayaa meelo badan ka jirta deegaanka, waxaana rajeynayaa in bulshadeennu ay si buuxda uga faa’iideystaan kaabeyaashan cusub,” ayuu yiri Faarax.







