Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaaliada ayaa markale ka digtay halista ka dhalan karta fatahaadaha la filayo inay ka dhashaaan wabiga Shabeelle, ka dib markii roobab xooggan ay si isdaba joog ah uga da'een buuralayda sare ee dalka Itoobiya.
Roobabkan ayaa sababay in heerka biyaha wabiga uu si xawli ah kor ugu kaco, taasoo keeni karta fatahaadp gaysan kara khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh.
"Maadaama oo buuralayda sarre ee dalka ay maalmahan ka da'ayaan roobab xoogani, waxaa si xawli ah usoo kordhaya biyaha wabiga Shabeelle taasi oo laga yaabo in uu gaysto Fatahaad sababta khasaare balaadhan" ayaa lagu yiri, digniinta kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Dowlad Deegaanka






