Rome (Dawan)- Dowladaha ku bahoobay G7 ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go'antahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhanka badda.
Dowladaha G7 waxa ay walaac xooggan ka muujiyeen heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii January dhax maray Itoobiya iyo Somaliland kaas oo ku saabsanaa in Itoobiya dekad ka hesho xeebaha Soomaaliya.
G7 ayaa ugu baaqay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya in ay dariiqa wada hadalka ku xalliiyaan khilaafka jira iyada oo lala kaashanayo dowladaha gobolka iyo MidowgaAfrika, si looga hortago in xaaladdu sii cakiranto.
"Waxaan ku boorrinaynaa Itoobiya iyo Soomaaliya inay sii wadaan wadahadalkooda ayna raadiyaan xal nabadeed, iyagoo ixtiraamaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed sida uu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah," ayuu yiri afhayeen u hadlay G7.
Soomaaliya oo soo dhaweysay war-murtiyeedka G7
Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee G7 ee ka dhacay magaalada Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhaxeysay 16-kii ilaa 19-kii bishan April, kaas oo lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay G7 in wax laga qabto arrimaha xasiloonida ee Geeska Afrika.
Soomaaliya waxay bogaadisay sida ay G7 diiradda u saareen horumarinta nabadda, amniga, xasilloonida gobolka iyo wax ka qabashada arrimaaha bini aadanimada.





