Muqdisho(Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaaku eedeysay maamulka Puntland inay ku lug lahayd afduubka markabka SEA WORLD, oo sida ay sheegtay dowladda, waday alaab millateri oo loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidanka TÜRKSOM ee Muqdisho. Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in markabka uu sidday alaabo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaamtay falkaasi mid ka dhan ah dastuurka kumeelgaarka ee Soomaaliya.
Qoraal ay maanta soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in markabkaasi uu u socday dekedda Muqdisho isagoo wata badeecad waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dowladda ayaa si adag u cambaareysay afduubka, iyadoo ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanida dalka iyo amniga qaranka.
“Afduubka markabkan, oo ay ka dambeeyaan shaqsiyaad la xiriira Puntland, waa mid si cad u xadgudbaya dastuurka Kumeelgaarka ee Soomaaliya, wuxuuna hoos u dhigaya midnimada, madaxbannaanida, iyo xasiloonida dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in afduubka markabka, oo ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan Puntland, uu yahay fal ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Badweynta iyo Xeebaha (UNCLOS), kaas oo u arka falalka noocaas ah inay yihiin burcad-badeednimo.



