Galgaduud (Dawan)- Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-shabaab ayaa ka dhacay deeganaaka Cows-weyne ee gabolka Galagaduud.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerarro ismiidaamin ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Cows-weyne, kaddibna dagaal fool ka fool ah uu dhex maray labada dhinac.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka Soomaaliya iyo dadka deegaanka ayaa fashiliyeen weerar ay saaka xoogaga Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Cows-weyne oo ka tirsan gobolka Galgaduud.





