Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan deg deg ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed, si wax looga qabto dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’ay qaar kamid ah Gobollada dalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku dhinteen daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah Gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.
Roobka ayaa sidoo kale waxyeello u geystay xoolaha, beeraha iyo waddooyinkii la isaga gooshi jiray magaalooyinka Soomaalida.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.
Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.





