Mogadishu (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hogaamiyeyaasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa gaadhay heshiis ah in la bilaabo wada hadallo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dib-u-eegista Dastuurka iyo Heshiiska Habka Doorashada Tooska ah (Qof iyo Cod), waxaana kulankaasi lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya subaxnimadii Arbacada ee toddobaadkan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay ka wada hadlaan afar qodob oo kala ah :
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ku heshiiyeen in ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo daro xubnaha ka maqan wada hadalka, sida Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, iyo Madaxweynaha Puntland, Said Cabdullaahi Deni, iyagoo qorsheynaya in la raadiyo ka qaybgalkooda
. Kadib wadahadallo dheer, waxaa la go’aamiyay in marxaladda xigta ee wada hadalada ay si rasmi ah u bilaabmidoonto 3-da Luulyo 2025, sabab la xariirta xuska maalmaha xuriyada.
Kulankan ayaa qayb ka ah wada hadallada socda ee u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.







