Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya ayaa la gashay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom heshiis iskaashi oo wax looga qabanayo dhibaatooyibnka ka dhasha isbedelada cimilada.
"Iyada oo laga duulayo kaalinta muhiimka ah ay dalka u leeyihiin Shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada - JFS iyo Shirkadda Hormuud Telecom kala saxiixdeen is-faham guud oo ku aadan siddii labada dhinac ay iskaga kaashan la haayeen arrimaha la xiriira ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada" ayaa lagu yiri, qoraal ay soo saaray Wasaaraddu.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ujeedka heshiiskan uu yahay in shirkada Hormuud ay ka qayb qaadato dadaallada ay wado Wasaaradda ee lagula tacaalayo dhibaatooyinka ka dhasha saamaynta isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta iyo burburka deegaanka, iyada oo ka qayb qaadan doontaa wacyi gelinta, dhir-beerista iyo iswaydaarsiga xogaha iyo aqoonta.
Muaansabadda heshiiska oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaa qalinka ku duugay Wasiir Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo Gudoomiyaha Shirkada Hormuud Axmed Yuusuf.
Wasiir Khadiija ayaa tiri; " "Wadashaqeyntan waxay calaamad u tahay in tillaabo muhiim ah loo qaaday sii ilaalinta deegaanka iyo in jiilalka mustaqbalka ku noolaadaan dhul badqab leh"






