Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa beenisay in dal kale lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya kadib markii Madxaweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyey dowladda in ay waddo qorshe ay Hadawada Soomalaiya ugu wareejineeso dowladda Imaaraadka Carabta.
Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegeyso in hawada Soomaaliya aysan gacanta u geli karin cid kale, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo dowladda Soomaaliya ogtahay oo suurto gal ka dhigi kara in hawada Soomaaliya lagu wareejiyo maamul kale.
"Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara" sidaas waxaa u dhignaa qoraal kooban oo kasoo baxay hay'adda wax yar kadib eedeyntii Farmaajo.
Hay'adda ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday in hawada Soomaaliya ay tahay astaan qaran oo muhiim ah, lagana sameeyey horumar lataaban karo tan iyo markii ay dib ugu soo laabatay gacanta dowladda Soomaaliya.



