Hiiraan (Dawan ) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guul muhiim ah oo kaga soo hoyatay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan shalay kaasoo ay sheegeen in ay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalku waxa uu ka dhacay deegaanada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan, waxaana uu ka dhashay iskaashiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo Macawisleyda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ee 22-ka Juun 2025 ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay xubno badan oo Al-Shabaab ah, ayna jiraan dhaawacyo kale oo la soo sheegayo. Ciidamada SNA iyo Macawisleyda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab si loo xoojiyo burburinta joogitaanka kooxda ee gobolka.







