Muqdisho (Dawan) – Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) u magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koofur-galbeed.
Sidoo kale, degmada Baydhabo, oo hadda ah xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koofur-galbeed, ayaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey)
Taliska ayaa sheegay in magacaabistaan ay u adeegayso xoojinta amniga gobolka Baay, oo ay ka jiraan xaalado amni oo adag, iyadoo degmooyin ka mid ah ay joogaan ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka iyo dowladda federaalka.
