Muqdisho, Maarso 22 (Dawan) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa habeenimadii Sabtida kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho, si looga hadlo xaaladda ka taagan deegaannada maamulkaas.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka, odayaasha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed, iyaga oo muujiyay baahida loo qabo in xal waara laga gaaro xiisadaha jira.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagu dejin karo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Koonfur Galbeed.
