Wajeer, Maarso 22, 2026 (Dawan) – Dadka Ismaamulka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya ayaa muujiyay farxad iyo rajo ku saabsan roobab si joogto ah u da’ayay maalintii afraad, ka dib bilo abaar xooggan oo saameyn ku yeelatay nolosha iyo dhaqaalaha deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in roobabkan ay yihiin fursad muhiim ah, gaar ahaan dhinacyada beeraha iyo daaqa xoolaha, kuwaas oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha gobolka. Waxay sidoo kale qorsheynayaan inay uga faa’iidaystaan biyaha roobka ee guriga iyo keydinta, si ay u hagaajiyaan wax-soosaarka dalagga iyo tayada dhulka daaqa.
Roobabkan ayaa ka da’aya lix degmo hoosaad oo gobolka ka tirsan, iyadoo maamulka deegaanka uu ku booriyay in xaaladda si dhow loola socdo, si looga hortago khataraha ka dhasha fatahaadaha ama dhibaatooyinka biyaha oo kordha.
Khubarada cimilada ayaa digniin ka bixiyay in beddelka degdega ah ee abaaraha iyo in roobabka xooggan keenaan fursado horumarineed, balse sidoo kale ay la socdaan halis u baahan qorsheyaal horudhac ah si looga faa’iidaysto xaaladdan.
