Muqdisho (Dawan) – Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland kana tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa uga digay Dowladda inay qaaddo tallaabooyin dhaqaale ama amni oo xaaladda uga sii dari kara dadka ku dhaqan Somaliland.
Bayaanka ay maanta si wadajir ah u soo saareen siyaasiyiintan ayaa lagu sheegay in tallaabooyin noocaas ah aysan waxba ku soo kordhin doonin dadaallada lagu raadinayo midnimo qaran, balse ay sii fogeyn karaan is-fahamka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Waxay Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay ka fogaato go’aanno saameynaya dhaqaalaha, isu-socodka iyo amniga dadka ku nool Somaliland, iyagoo carrabka ku adkeeyay in midnimo lagu gaari karin cadaadis ama xoog. “Midnimadu ma timaaddo iyadoo la adeegsanayo tallaabooyin ciqaabeed ama dhaqaale, balse waxay ku timaaddaa wadahadal, is-qancin iyo tanaasul,” ayaa lagu yiri bayaanka.







