Warbixinta maaliyadeed ee sanadlaha ah ee Hantidhowrka Qaranka sanadka 2022 ayaa shirkadaha Fivori LLC iyo Albeyrak ku eedeysay inaysan raacin habraacyada lagu caddeynayo dakhliga soo gala ee ku xusan heshiiska dheef-wadaagga ah ee ay kula jiraan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Labada Shirkadood oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maamulayay garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho ku dhowaad 10 sano. Warbixinta cusub ee Hantidhowrka ayaa far muuqeysa in shirkadahan ay ka been sheegeen dakhligooda si ay u yareeyaan qoondada dowladda ku yeelan lahayd dheefta.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay xaq u leedahay in ay hesho 25% dakhliga ay qabato shirkadda Favori LLC, sidaas oo kale heshiiska dheef wadaagga ah ee labaad ee Dowladda Soomaaliya la gashay Albayrak, waxa ay xaq u leedahay dowladdu in ay hesho 62.17 % dakhliga ay qabato shirkadda Albayrak” ayaa lagu xusay warbixinta oo markii ugu horreysay shaacineysa qoondada ay dowladdu ku leedahay heshiiskan.



