Muqdisho (Dawan)- Wasararadda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa xaqiijisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii la helay dad bisha ku arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeey bilshada bisha Ramadaan, isaga oo ku baaqay in la garab istaago dadka danyarta ah.





