Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 72-dii Saac ee lasoo dhaafay al-shabaab ay ka dileen xubno aad u badan oo ay horjoogayaal ku jiraan.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa war-saxaafadeed,ku sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugiga iyo kuwa deegaanka ay 72-dii saac ee lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ku dileen 120xubnood oo al shabaab katirsan.
“ Guud ahaan 72-dii saac ee lasoo dhaafay kooxaha qawaarikhta dhibaato xoog leh ayaa la gaarsiiyay, wax kabadan 120 caanaasirtoota kamida ayaa halkaas ku nafwaayay”Axmed macalin Fiqi wasiirka Gaashaandhiga
Wasiirka ayaa sheegay in dukheymo laga fuliyay xalay jubadda-hoose ,lagu dilay 30 xubnood oo alshabaab katirsanaa, halka qaar kalana uu sheegay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen.



