Muqdisho (Dawan)- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa dilay 39 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibadda Caalamka oo ay ku jirto duqeyn cirka ah ayaa lala beegsaday saldhigyo ay Shabaab ku leeyihiin Baldooska iyo Baqdaad oo ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaaradda ayaa lagu yiri. " Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad" .



