Kismaayo (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in howl gal ay ka fuliyeen ciidamada xoogga Soomaaliyeed deegaano hoos taga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka 10 kalena lagu soo qabtay nolosha.
Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ciidan oo aan magacyadooda la shaacin ayaa tiri “Howlgalladaan ay fuliyeen cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa ka dhacay magaalooyin iyo tuulooyin ku dhow dhow degmada Jamaame oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab"
Idaacaddu waxa ay sheegtay in howlgalka lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doon ku marayay Wabiga.
Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas ku dartay “Ciidanku waxa ay iska horimaad la galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxa ay ka takhaluseen in ka badan 30 ka mid ah ururka Al-Shabaab, waxa ayna sidoo kale gacanta ku dhigeen 10 xubnood, iyada oo lagala wareegay hubki ay wateen"






