Deynuunay, Baay – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa 11 May howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka oo hoos yimaada deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.
Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo kooxda Al-Shabaab ay ka howlgeli jireen, kuwaas oo la sheegay inay u adeegsan jireen abaabulka falalka amni-darrada ah iyo weerarrada lagu beegsado shacabka iyo ciidamada dowladda.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay warbaahinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaankaasi. “Howlgalka ayaa lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo Khawaarijtu ay ku lahaayeen halkaasi, kuwaas oo u adeegsanayay abaabulka falalka amni-darrada ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.



