Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlagalladdii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in lagu dilay 130 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri " Inta ay socdaan hawlgaladaan waxaa la dilay in ka badan 130 ka tirsan Khawaarijta, waxaa laga furtay Hub waxaana la burburiyay qalab kala duwan iyo goobo gabbaad u ahaa Khawaarijta".
Howlagalladda Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.
"Hawlgaladii ugu danbeeyay waxaa Khawaarijta looga saaray dhul balaaran oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle sidoo kale waxaa hawlgallo lagu naafeeyay Khawaarijtu ay ka dhaceen Jubaland" ayaa lagu yiri, markale War-saxaafadeedka
Wasaaraddu waxa ay War-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in Al-shaabaab laga saaray Hawdka Shabeelooow, Wadada muhiimka ah ee Caadleey, Buurta Yacgoos, Deegaanka Baraag Ismaaciil oo dhamaantood ka tirsan Gobalka Mudug.
Dhanka Gobolka Galgaduud, waxaa laga saaray Al-shabaab Degmada Ceeldheer, Magaalada Masagawaa iyo deegaano kale oo hoostaga Gobolka.



