MUQDISHO (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo ay garab siinayaan ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay dileen in ka badan 70 dagaallamayaal oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday howlgal milatari oo afar maalmood qaatay oo ka dhacay Bariire, gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa yimid hal maalin kadib markii AUSSOM ay iyaguna sheegeen in ay ku dileen in ka badan 50 xubnood oo Al-Shabaab ah isla deegaankaas, iyadoo uu socday dagaal xooggan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay “Duufaanta Aamusan”, qorshe ballaaran oo lagu beegsanayo saldhigyada iyo difaacyada ay kooxda Al-Shabaab kaga sugnaayeen magaalooyinka iyo deegaannada muhiimka ah.
Sida lagu sheegay bayaanka, kooxda Al-Shabaab ayaa isku dayday inay weerar ku qaaddo ciidanka, iyagoo adeegsanaya laba gaari oo qaraxyo lagu soo raray, balse ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda ayaa la sheegay inay ka hortageen oo ay burburiyeen gaadiidkaasi ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.
Dowladdu waxay sidoo kale xaqiijisay geerida laba askari oo Soomaali ah iyo dhaawaca 12 kale, kuwaasoo la sheegay in isla markiiba la siiyay daryeel caafimaad.



