Hiiraan (Dawan)- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macaawisley ayaa weerar ku qaaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay deegaan hoos taga degmada Far-libaax ee gobolka Hiiraan.
Sida ay dowladdu sheegtay, waxaa dagaalamayaasha Al-Shabaab looga dilay goobta uu dagaalku ka dhacay 2 xubnood, iyada oo sidoo kale ay jiraan dhaawacyo gaaraya ilaa saddex.
Weerarka ciidamada dowladda ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Ceel-cadde halkaas oo saldhig ay ku lahaayen Al-Shabaab, iyada oo lasoo warinayo in dagaal fool ka fool ah dhax maray labada dhinac.
Ciidamada dowladda ayaa guul ka sheegtay dagaalka, balse kooxda Al-Shabaab wax war ah kama soo saarin wali dagaalka, iyada oo adagtahay in la helo ilo madax bannaan oo ka waramaya dagaalka





