Muqdisho (Dawan ) – Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa meesha ka saaray suuragalnimada in dowladda mar kale dib ugu noqoto qodobo ka mid ah heshiiskii dhawaan lala galay qayb ka mid ah Madasha Samatabixinta, ama ay tanaasul kale ka samayso qodobada weli ay mucaaradku diidan yihiin si loo qanciyo Madasha aan weli saxiixin.
Xasan Macallin oo wareysi siiyey Dawan Isniintii ayaa sheegay in xukuumaddu intii ay ka tanaasuli karto oo dhan horey u bixisay, islamarkaana aanay jirin meel kale oo ay dib ugu noqdaan.“Xukuumaddu intii wada-hadallada lagu jiray way bixisay wixii ay ka tanaasuli kartay. Meel kale oo loo sikiyo oo halkaan uga sikada la dhoho ma jirto. Waxa kaliya ee hadda yaalla waa in dowladda fuliso doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah masuuliyaddeeda,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Madasha Samatabixinta oo dhammaystiran ay ka qayb galeen guddiyo isku dhaf ah oo ka kooban Dowladad Iyo Madasha , kuwaas oo si faahfaahsan uga wada hadlay qodobadii muranka dhaliyay, heshiiskuna uu saxiixay cidii diyaar u ahayd oo ummadda ku matalay, balse nasiib-darro qaar kale ay diideen inay qalinka ku duugaan, taas oo uu sheegay inaan la qancin karin.
“Nasiib-darradii dhacday waxay ahayd oo keliya in saaxiibadooda aysan raacin oo aysan qalinka ku duugin,” ayuu yiri wasiir Xasan.



